Gamal Maxamed Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay wakiillo ka socday warshadaha dalka. Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dowladda iyo bahda warshadaha Soomaaliyeed si loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Maxamed Abukar Shariif, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, iyo Hawo Axmed Xasan, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo warshadaha dalka, si loo abuuro jawi ganacsi oo taageera horumarinta warshadaha iyo kobaca maalgelinta gaarka loo leeyahay. Mas’uuliyiinta iyo wakiillada warshadaha ayaa sidoo kale falanqeeyay muhiimadda ay leedahay dejinta siyaasado dhiirrigeliya kobaca warshadaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha.
Qodobada muhiimka ah ee kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa hirgelinta aagagga warshadaha, xallinta caqabadaha hortaagan warshadaha dalka, iyo horumarinta kaabeyaasha taageeraya kobaca warshadaha Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray kor u qaadista barnaamijyada dhisidda awoodda iyo tayeynta xirfadaha bahda warshadaha si loo xoojiyo tartanka wax-soo-saarka gudaha iyo kobcinta fursadaha shaqo-abuurka.
Wasiir Gamal Maxamed Xasan ayaa carrabka ku adkeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta warshadaha dalka iyo abuurista jawi ganacsi oo soo jiita maalgeshi gudaha iyo dibadda ah. Wuxuu xusay in dowladda ay muhiimad gaar ah siineyso taageeridda warshadaha maxalliga ah maadaama ay door weyn ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha, kordhinta wax-soo-saarka, iyo abuurista shaqooyin cusub.
Dhankooda, wakiillada warshadaha dalka ayaa soo bandhigay caqabadaha iyo fursadaha ka jira waaxda warshadaha, iyagoo bogaadiyay dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan xoojinta xiriirka dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waxay sidoo kale muujiyeen diyaar garowgooda ku aaddan inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda si loo gaaro horumar waara oo dhinaca warshadaha ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay ku horumarinayso deegaanka ganacsi ee dalka, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha, loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha, loona xoojiyo doorka muhiimka ah ee ganacsiga gaarka loo leeyahay ee horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.