Sabti – Khamiis 08:00 17:00 waqtiga maxalliga 

EN

|

SO

GOLAHA WASIIRRADA OO ANSIXIYEY HINDISE-SHARCIYEEDKA DIIWAANGELINTA IYO RUQSAD SIINTA GANACSIYADA

Images
Authored by
Ministry Officer
Date Released
July 30, 2026
Comments
No Comments

Hindise-sharciyeedka ayaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si loo meel mariyo, wuxuuna markii ugu horreysay siinayaa aqoonsi sharci ganacsatada keli ahaanta u shaqeysata iyo iskaashatooyinka ganacsi, isagoo dhaqan gelinaya Nidaamka Qaranka ee Diiwaangelinta iyo Ruqsad Siinta Ganacsiyada (eBusiness.gov.so).

Muqdisho: Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Hindise-sharciyeedka Diiwaangelinta iyo Ruqsad Siinta Ganacsiyada, kaas oo ay Golaha horgeysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo hannaanka sharciyeed ee ganacsiga dalka, laguna dhisayo jawi ganacsi oo hufan, isku dhafan, isla markaana dhiirrigeliya kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Hindise-sharciyeedka ayaa hadda loo gudbin doonaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si looga doodo loona ansixiyo. Marka uu dhaqan galo, wuxuu dhisayaa hannaan federaal oo mideysan oo lagu diiwaangelinayo laguna ruqsadeynayo ganacsiyada aan ahayn shirkadaha, gaar ahaan ganacsatada keli ahaanta u shaqeysata iyo iskaashatooyinka ganacsi, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Soomaaliya. Shirkadaha se waxay sii ahaanayaan kuwo uu maamulayo Sharciga Shirkadaha.

Udub-dhexaadka hindise-sharciyeedkan waa Diiwaanka Qaranka ee Ganacsiyada, oo ah nidaam dijitaal ah oo ay wadaagi doonaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Federaalka, Wasaaradaha Ganacsiga ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha Hoose. Diiwaankan mideysan wuxuu meesha ka saaraya baahida dib-u-diiwaangelinno isdaba joog ah, wuxuuna fududeynayaa xaqiijinta aqoonsiga ganacsiyada, taas oo muhiim u ah helitaanka adeegyada bangiyada, qandaraasyada dowladda iyo ganacsiga caalamiga ah.

Isagoo ka hadlayey muhiimadda hindise-sharciyeedkan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Danjire Jamaal Maxamed Xasan, ayaa yiri:

“Muddo dheer ganacsatada Soomaaliyeed waxay ganacsigooda ku dhisanayeen kalsooni iyo dhaqan soo jireen ah, iyagoo aan haysan aqoonsi sharci oo si buuxda u ilaalinaya xuquuqdooda. Hindise-sharciyeedkani wuxuu siinayaa ganacsatada keli ahaanta u shaqeysata iyo iskaashatooyinka ganacsi shakhsiyad sharciyeed, taas oo u sahleysa inay helaan maalgelinta bangiyada, qandaraasyada dowladda iyo suuqyada caalamiga ah. Ujeeddadeennu ma aha inaan abuurno culays maamul oo cusub, balse waa inaan hirgelinno nidaam cad, hufan, degdeg ah oo caddaalad ku dhisan.”

Qodobada Muhiimka ah ee Hindise-sharciyeedka

Wuxuu siinayaa ganacsatada keli ahaanta u shaqeysata iyo iskaashatooyinka ganacsi aqoonsi sharci iyo hannaan cad oo diiwaangelin iyo ruqsad lagu helo.

Wuxuu dhisayaa Diiwaanka Qaranka ee Ganacsiyada oo ah nidaam dijitaal ah oo mideynaya heerarka Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha Hoose.

Wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha ruqsad bixinta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu dammaanad qaadayaa xuquuqda ganacsatada, ilaalinta hantidooda iyo sinnaanta sharciga hortiisa.

Wuxuu xaqiijinayaa in diidmada codsiyada lagu bixiyo qoraal sababeysan, isla markaana uu jiro xaq racfaan.

Wuxuu dhigaya in digniin qoraal ah iyo fursad sixitaan la bixiyo ka hor inta aan la qaadin tallaabo ciqaabeed.

Wuxuu waajib ka dhigayaa shaacinta milkiilayaasha dhabta ah ee ganacsiyada, si loo xoojiyo la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

Wuxuu mideynayaa habraaca ruqsad siinta iyo bixinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur-bixiyaha (TIN), isagoo fududeynaya adeegyada loo fidinayo ganacsatada.

Hindise-sharciyeedkani wuxuu ka mid yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo deegaanka ganacsiga, lagu kobcinayo maalgashiga, laguna dhisayo nidaam casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, si ganacsatada Soomaaliyeed ay ugu tartami karaan suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Share:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *