Sabti – Khamiis 08:00 17:00 waqtiga maxalliga 

EN

|

SO

Waajibaadka

Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha waa hay’adda hoggaamisa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada:

  • Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay
  • Ganacsiga (trade)
  • Siyaasadda warshadaha
  • Diiwaangelinta ganacsiyada
  • Ilaalinta macaamiisha
  • Iskaashatooyinka

Waajibaadkeedu wuxuu ka yimid:

  • Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah
  • Go’aannada Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka
  • Sharciyada iyo xeerarka la xiriira qaybaha kala duwan

Hawlaha Muhiimka ah

Maamulida Nidaamka Diiwaangelinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiga Soomaaliya (SBRLS). Waxa lagu diiwaangelin karaa: • Shirkado (companies) • Ganacsiyada qof keliya (single proprietors) • Iskaashatooyin (cooperatives) • Shirkadaha warshadaha (industrial firms) Iyadoo lagu saleynayo: • Sharciga Shirkadaha (2019) • Xeerka Sharciga Shirkadaha (2021) • Jadwalka khidmadaha ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha (MoCI tariff schedule)

• Ka wada xaajoodka iyo hirgelinta heshiisyada ganacsiga: • AfCFTA (Soomaaliya way ansixisay, istaraatiijiyadna waa la daabacay) • COMESA (xubin) • EAC (ku biirid socota) • Hindisaha Geeska Afrika (HoAI) – khariidadda jidka fududeynta ganacsiga • Maamulida Nidaamka Macluumaadka Ganacsiga Soomaaliya (STIP).

• Maamulida Nidaamka Ganacsiga La Fududeeyay (STR) ee xuduudda Soomaaliya iyo Kenya • Hirgelinta Istaraatiijiyadda Horumarinta iyo Dhiirrigelinta Dhoofinta Qaranka • Maamulida Unugga Kormeerka Suuqa Shidaalka (FMMU)

• Hoggaaminta hirgelinta Siyaasadda Warshadaha Qaranka (National Industrial Policy) • La shaqeynta UNIDO ee qiimeynta qaybaha kala duwan iyo horumarinta Aagagga Dhaqaalaha Gaarka ah (SEZs)

• Ilaalinta macaamiisha ka dhanka ah badeecooyin aan ammaan ahayn ama tayo hooseeya • Dhaqan gelinta siyaasadaha tartanka (competition policy) • Isku-duwidda la shaqeynta Hay’adda Heerarka Soomaaliyeed (SoBS)

• Horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) iyo iskaashatooyinka • Isku-duwidda barnaamijyada ganacsi ee haweenka iyo dhalinyarada • Bixinta shahaadooyinka diiwaangelinta iskaashatooyinka

• Maareynta Diiwaanka Astaanta Ganacsiga (Trademark Registry) • Iyadoo lagu saleynayo Sharciga Astaanta Ganacsiga Lr. 3 ee 1955 (wax-ka-beddel lagu sameeyay 1975 & 1987)

• Soo saarista falanqayn qaybaha kala duwan (sector analysis) • Diyaarinta tirakoobka ganacsiga (trade statistics) • Bixinta xog iyo caddeymo lagu taageerayo go’aannada Wasaaradda iyo Golaha Wasiirrada

• Kormeeridda shirkadaha ay dowladdu leedahay (SOEs) ee ku jira qaybaha ganacsiga iyo warshadaha • Iyadoo lagu saleynayo go’aanka Golaha Wasiirrada ee wareejiyay mas’uuliyaddan Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha (MoCI)

La ganacso Soomaaliya

EAC

HoA Initiative

Fuel Map