Sabti – Khamiis 08:00 17:00 waqtiga maxalliga 

EN

|

SO

Unugga Iibka & Qandaraasyada

Mas’uul ka ah dhammaan hawlaha iibka iyo qandaraasyada ee Wasaaradda, iyadoo la waafajinayo Sharciga Iibka Dadweynaha ee Soomaaliya iyo Hay’adda Qandaraasyada Qaranka (PPA).

Hawlaha Aasaasiga ah

Qorsheynta Iibka

Waxay isku dubbariddaa qorshayaasha iibka sannadlaha ah iyadoo la kaashanaysa dhammaan Waaxyaha iyo Unugyada.

Maareynta Tartanada

Waxay maamushaa habraacyada tartamada, qiimeynta dalabyada, bixinta qandaraasyada, iyo hirgelintooda.

Maareynta Iibiyeyaasha

Waxay ilaalisaa xogta iibiyeyaasha (suppliers) isla markaana la socotaa waxqabadkooda.

Warbixinta U Hoggaansanaanta

Waxay hubisaa diyaarinta warbixinno iyo u hoggaansanaanta shuruucda iyo xeerarka Hay’adda Qandaraasyada Qaranka (PPA).

Maamul & U Hoggaansanaan

Unugga Iibka & Qandaraasyada wuxuu hubiyaa hufnaan, caddaalad, iyo qiime ku habboon lacagta (value-for-money) dhammaan habraacyada iibka ee Wasaaradda, iyadoo si buuxda ula jaanqaadaysa xeerarka qandaraasyada qaranka.