Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo Guddoomiyey Xil-wareejinta Agaasime Waaxeedyada
Muqdisho, Soomaaliya — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ibrahim Ahmed Osman, ayaa maanta guddoomiyey munaasabad rasmi ah oo lagu kala wareejinayey xilalka Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, kaddib isku-shaandhayntii dhowaan lagu sameeyey hoggaanka waaxyaha kala duwan...