Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waxay soo saartay Warbixinta Warshadaha Soomaaliya 2026.
Waa warbixin ka hadleysa xogta diiwaangelinta warshadaha 2009 ilaa 2026, sumadaha ganacsiga 2020 ilaa 2026, iyo waxqabadka Waaxda Horumarinta Warshadaha.
Waxaa ka mid ah: tirada warshadaha oo kortay 5 ilaa 268, in ka badan 6,500 shaqo oo la abuuray, 2,520 summado ganacsi oo la diiwaangeliyay, ansixinta Sharciga Caddeynta Asalka Badeecadaha, iyo caqabadaha weli hor taagan qaybaha tamarta, aagagga warshadaha, tayada iyo shahaadaynta.
Warbixintu waa 30 bog. Waxaad ka akhrisan kartaa halkan: