Sabti – Khamiis 08:00 17:00 waqtiga maxalliga 

EN

|

SO

Gamal Maxamed Xasan Oo Kulan La Qaatay Adarsh Swaika Si Loo Xoojiyo Iskaashiga Dhaqaale

Images
Authored by
MociAdmin@2000
Date Released
May 24, 2026
Comments
No Comments

Gamal Maxamed Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Adarsh Swaika, Danjiraha Dowladda India u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha lagu horumarin karo ganacsiga, maalgashiga, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka dalka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen hababka lagu sii ballaarin karo isu-socodka ganacsiga iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee labada dal. Waxaa sidoo kale la falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa la xiriira ganacsiga, warshadaha, maalgashiga, iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.

Wasiir Gamal Maxamed Xasan ayaa carrabka ku adkeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, gaar ahaan Dowladda Hindiya oo leh xiriir taariikhi ah iyo iskaashi soo jireen ah. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in la abuuro jawi ganacsi oo soo jiita maalgashiga shisheeye, isla markaana taageera kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta warshadaha dalka.

Dhankiisa, Danjire Adarsh Swaika ayaa muujiyay sida Dowladda Hindiya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka. Wuxuu tilmaamay in Hindiya ay daneynayso ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha iyo kor u qaadista xiriirka ganacsi ee labada waddan.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Hindiya, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in iskaashiga labada dal uu horseedi doono fursado dhaqaale iyo horumar waara oo faa’iido u leh shacabka labada waddan.

Share:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *