Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan wadatashi ah oo muhiim ah, kaas oo looga hadlayay Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka (National Cooperatives Policy and Acts). Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedyada dalka, iyagoo ka wada hadlay sidii loo dhisi lahaa hannaan sharciyeed iyo siyaasadeed oo mideysan oo hagaya horumarinta iskaashatooyinka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa si rasmi ah u furtay Abshira Yusuf Axmed, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Furitaankii kulanka, waxay ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho siyaasad iyo sharci casri ah oo xoojiya waaxda iskaashatooyinka, isla markaana abuura jawi dhiirrigeliya iskaashi dhaqaale iyo horumar bulsho.
Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay daraasaad iyo xog-ururin ballaaran oo lagu sameeyay xaaladda guud ee iskaashatooyinka dalka. Daraasaadkaas ayaa waxaa barbar socday la-tashiyo kala duwan oo lala yeeshay daneeyayaal muhiim ah, oo ay ku jiraan hay’adaha dowladda, ganacsatada gaarka loo leeyahay, iyo qaybaha kala duwan ee iskaashatooyinka Soomaaliyeed.
Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qabyo-qoraalka Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka, iyadoo dood iyo falanqeyn qoto dheer laga yeeshay qodobada muhiimka ah ee ku jira. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam sharciyeed oo hufan, mideysan, isla markaana taageera kobaca iyo casriyeynta iskaashatooyinka dalka.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo xubnihii kulanka ka qayb galay ayaa carrabka ku adkeeyay in diyaarinta Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu hirgelinayo hannaan sharciyeed oo hagaya howlaha iskaashatooyinka, islamarkaana aasaas adag u noqonaya horumarinta waaxdan muhiimka ah.
Waxay sidoo kale tilmaameen in hirgelinta siyaasaddan iyo sharcigan cusub ay si weyn uga qayb qaadan doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, abuurista shaqooyin cusub, kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha, iyo xoojinta iskaashiga bulshada Soomaaliyeed.
Kulankan wadatashiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay ku dooneyso inay ku dhisto nidaam iskaashato oo casri ah, awoodna u siinaya bulshada Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale iyo horumarineed ee dalka.