Sabti – Khamiis 08:00 17:00 waqtiga maxalliga 

EN

|

SO

Gamal Maxamed Xasan Oo Ka Qaybgalay Saxiixa Heshiis Lagu Horumarinayo Dhaqaalaha Dijitaalka ee Soomaaliya

Images
Authored by
MociAdmin@2000
Date Released
May 24, 2026
Comments
No Comments

Gamal Maxamed Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu saxiixayay heshiis is-afgarad (MoU) oo dhexmaray Hormuud Telecom iyo Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit (GIZ) ee Dowladda Germany, kaasoo lagu horumarinayo dhaqaalaha dijitaalka ee Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay si loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha dijitaalka ah iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dalka.

Heshiiska ayaa door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyadoo la dhiirrigelinayo hal-abuurka, kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs), iyo abuurista fursado shaqo oo waara oo ay ka faa’iideysan karaan dhalinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Gamal Maxamed Xasan ayaa soo dhaweeyay heshiiskan, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta ganacsiga dijitaalka ah iyo ballaarinta suuqyada gudaha iyo kuwa gobolka. Wuxuu xusay in dhaqaalaha dijitaalka ah uu door weyn ka ciyaari karo kobcinta tartanka ganacsi, kordhinta wax-soo-saarka gudaha, iyo horumarinta adeegyada dijitaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda siyaasadaha iyo barnaamijyada dhiirrigelinaya hal-abuurka teknolojiyadda, maalgashiga dijitaalka ah, iyo kobaca ganacsiga gaarka loo leeyahay. Wuxuu tilmaamay in iskaashiyada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin dhismaha dhaqaale casri ah oo la jaanqaadi kara isbeddellada caalamiga ah ee dhinaca teknoolojiyadda iyo ganacsiga.

Dhankooda, wakiillada Hormuud Telecom iyo Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit (GIZ) ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda horumarinta dhaqaalaha dijitaalka ee Soomaaliya, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la abuuro jawi taageera ganacsiyada cusub, hal-abuurka, iyo kobaca adeegyada tiknoolojiyadda.

Heshiiskan ayaa sidoo kale xoojinaya ka faa’iidaysiga fursadaha ka jira isdhexgalka East African Community (EAC), isagoo dhiirrigelinaya ganacsi furan, isku xirnaanta suuqyada, iyo horumar dhaqaale oo wadajir ah oo gobolka oo dhan faa’iido u leh.

Munaasabaddan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dijitaalka ee Soomaaliya, laguna xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo hay’adaha caalamiga ah si loo gaaro kobac dhaqaale oo waara iyo horumar casri ah.

Share:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *