Ganacsatada Soomaaliyeed oo Kulan Toos ah la Yeeshay Xoghaynta AfCFTA
Muqdisho, Soomaaliya — Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan gaar ah oo isu keenay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), iyadoo kaashanaysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha...