Muqdisho, Soomaaliya — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ibrahim Ahmed Osman, ayaa maanta guddoomiyey munaasabad rasmi ah oo lagu kala wareejinayey xilalka Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, kaddib isku-shaandhayntii dhowaan lagu sameeyey hoggaanka waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Xil-wareejinta ayaa qeyb ka ahayd hannaanka lagu dardargelinayo shaqada iyo howlaha Wasaaradda, iyadoo masuuliyiintii xilalka hayey iyo kuwa loo magacaabay xilalka cusub ay si rasmi ah ugu kala wareegeen xilalka, masuuliyadaha, dukumentiyada iyo agabka la xiriira waaxyaha loo kala wareejiyey.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa sidoo kale muhiim u ahayd xaqiijinta sii-socoshada howlaha shaqo ee waaxyaha Wasaaradda, iyadoo la ilaalinayo habsami-u-socodka shaqada iyo mas’uuliyadaha loo igmaday waaxyaha kala duwan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Ibrahim Ahmed Osman, ayaa kula dardaarmay Agaasime Waaxeedyada cusub inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda, ayna mudnaanta siiyaan dardargelinta howlaha shaqo ee waaxyahooda.
Mudane Ibrahim ayaa sidoo kale ku boorriyey Agaasimayaasha inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duwidda howlaha iyo hirgelinta qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda, si loo gaaro ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed ee loo dejiyey horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.
Isku-shaandhaynta iyo xil-wareejinta Agaasime Waaxeedyada ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo hufnaanta maamulka, isla-xisaabtanka, dardargelinta adeegyada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha iyo adeegyada la xiriira ganacsiga iyo warshadaha, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa hannaan shaqo oo hufan, isku-duuban, isla markaana taageera kobaca ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.


