Muqdisho, Soomaaliya — 29 Agoosto 2026: Waaxda Horumarinta Warshadaha ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilowday kulan lagu ansixinayo Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaranka iyo Sharciga Qaranka ee Hantida Maskaxeedka Soomaaliya.
Kulanka, oo socon doona muddada u dhaxaysa 29–31 Agoosto 2026, ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo laguna dhisayo nidaam qaran oo hufan oo lagu maareeyo laguna ilaaliyo xuquuqda hantida maskaxeed ee dalka.
Kulankan ayaa isu keenaya daneeyayaal muhiim ah oo ka kala socda dowladda, hay’adaha ay khusayso iyo khubaro farsamo, kuwaas oo ka wada shaqeynaya dib-u-eegista, falanqaynta iyo dhamaystirka dukumentiyada la xiriira nidaamka hantida maskaxeed ee Soomaaliya.
Inta uu socdo kulanka, ka-qaybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodi doonaan qodobbada muhiimka ah ee dukumentiyada, iyagoo soo jeedinaya talooyin iyo wax-ka-beddello ku salaysan baahiyaha iyo duruufaha dalka, ka hor inta aan loo gudbin ansixinta kama dambaysta ah.
Qodobbada Muhiimka ah ee Kulanka
Ajandaha kulanka waxaa ka mid ah dib-u-eegista iyo ansixinta:
- Qabyo-qoraalka Sharciga Qaranka ee Hantida Maskaxeedka Soomaaliya
- Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaranka ee Hantida Maskaxeedka Soomaaliya
- Xeer-hoosaadyada hirgelinta iyo habraacyada fulinta
- Qaab-dhismeedka Xafiiska Hantida Maskaxeedka Soomaaliya (SIPO)
Dhisidda nidaam sharci iyo maamul oo hufan oo ku saabsan hantida maskaxeed ayaa muhiim u ah ilaalinta xuquuqda hal-abuurayaasha, curiyeyaasha iyo ganacsatada, iyo sidoo kale abuurista jawi taageera hal-abuurka iyo maalgashiga.
Hantida maskaxeed waxay door muhiim ah ka qaadan kartaa kobcinta dhaqaalaha, maadaama nidaam wanaagsan oo lagu ilaaliyo xuquuqda fikradaha, curinta iyo wax-soo-saarka aqooneed uu dhiirrigelin karo hal-abuur cusub, ganacsi iyo maalgashi.
Dadaallada Wasaaradda ee Horumarinta Hantida Maskaxeedka
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee lagu dhisayo nidaam qaran oo isku-duuban, hufan oo la jaanqaadaya baahiyaha Soomaaliya, kaas oo xaqiijinaya ilaalinta xuquuqda hantida maskaxeed iyo fududeynta habraacyada la xiriira.
Wasaaraddu waxay sidoo kale xoogga saaraysaa sidii loo abuuri lahaa hannaan awood u siinaya hal-abuurayaasha iyo curiyeyaasha Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fikradahooda iyo wax-soo-saarkooda, iyadoo la xoojinayo kalsoonida maalgashadayaasha iyo kobcinta fursadaha dhaqaale.
Kulanka 29–31 Agoosto ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto dhamaystirka iyo ansixinta dukumentiyada muhiimka ah ee saldhigga u noqon doona horumarinta nidaamka hantida maskaxeed ee Soomaaliya.











