Muqdisho, Soomaaliya — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ibrahim Ahmed Osman, ayaa ka hadlay muhiimadda Bandhigga Warshadaha Soomaaliyeed — SOMIPEX 2026 iyo fursadaha uu bandhiggu u abuurayo warshadaha gudaha, maalgashadayaasha iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed.
SOMIPEX 2026 ayaa noqonaya madal muhiim ah oo lagu soo bandhigayo awoodda wax-soo-saarka warshadaha dalka, iyadoo la isu keenayo dhinacyada kala duwan ee ku shaqada leh wax-soo-saarka, ganacsiga iyo maalgashiga warshadaha Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in bandhiggan uu door muhiim ah ka qaadan karo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya warshadaha gudaha iyo suuqyada, isla markaana uu fursad u yahay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay soo bandhigaan wax-soo-saarkooda, awooddooda iyo fursadaha ganacsi ee ay bixiyaan.
Sidoo kale, SOMIPEX 2026 wuxuu fursad siinayaa maalgashadayaasha iyo daneeyayaasha inay si dhow u bartaan awoodda iyo fursadaha ka jira waaxda warshadaha Soomaaliya, taas oo gacan ka geysan karta dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.
Bandhiggu wuxuu sidoo kale muhiim u yahay hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, kuwaas oo heli doona fursad ay ku soo bandhigaan fikradahooda, wax-soo-saarkooda iyo xalalka cusub ee ay u hayaan horumarinta warshadaha iyo wax-soo-saarka dalka.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ku boorrinaysa warshadaha gudaha, ganacsatada, maalgashadayaasha iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed inay ka faa’iidaystaan fursadda SOMIPEX 2026, si loo xoojiyo iskaashiga, loo ballaariyo suuqyada, loona dhiirrigeliyo maalgashiga waaxda warshadaha dalka.
Bandhigga Warshadaha Soomaaliyeed — SOMIPEX 2026 waxaa lagu qabanayaa:
📅 Taariikh: 22–23 Sebtembar 2026
📍 Goobta: Muqdisho, Soomaaliya