Policies|

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta hor tagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana uu warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha jira inta ba.
Kulanka oo uu guddoominaayey guddoomiyaha guddigaasi Xildhibbaan Maxamed Sh. Noor Osman, ayaa intii uu socday kulanku waxa kor meer shaqo ku yimi guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo halkaas labada dhinac ba ku boggaadiyey sida hufan ee ay iskaga xog waraysanayaan hawlaha shaqo ee qaranka.
Intaas ka dib, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa si furan uga jawaabay su’aalo ay mudaneyaashu ka waydiiyeen hawlaha shaqo ee Wasaaradda, waxaana uu iftiimiyey dedaalada socda, iyo guulaha waaweyn ee laga gaaray ballaarinta suuqyada ganacsi ee Soomaaliya wax u dhoofin karto, horumarinta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga isaga oo xusay in ay xooga saareen samaynta iyo diyaarinta shuruucdii, siyaasadihii iyo heshiisyadii lagu horumarin lahaa lagu na maamuli lahaa ganacsiga dalka kuwaas oo qaar ka mid ah loo soo gudbiyey golaha halka sidoo kale na shuruuc tiro badan iyaga na ay Wasaaraddu gacanta ku hayso loo na soo gudbin doona Golaha.
Wasiirka, ayaa ugu dambayn guddiga uga mahadceliyey wada-shaqeynta iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo, waxaana uu si gaar ah u xusay in ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin wada-shaqeyn dhab oo dhex marta labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window