Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka, waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xiriira hawlaha ganacsi ee wadanka iyaga oo la wadaagay caqabado ay sheegeen inay kala kulmaan dekadda Muqdisho.
Wasiirka, ayaa uga mahadceliyey warbixinta ay soo gaarsiiyeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay qaadan doonto doorkeeda kaga aadan wax ka qabashada caqabadaha jira sidoo kale na loo xoojin lahaa fududeynta ganacsiga si loo horumariyo dhaqaalaha iyo shaqo abuurka wadanka.