Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta guddoomiyey shirka Agaasimeyaasha ee Wasaaradda oo loogga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda, shaqooyinka hortebinta u leh, iyo dabagalka waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii waxqabad ee Wasaaradda.
Shirka oo ah mid toddobaadkii ba ay mar iskugu yimaadaan madaxda Wasaaradda, ayaa dib u eegis lagu sameeyaa waxyaabaha qabsoomay, iyo caqabadaha jira inta ba, waxaana si gaar ah loogga hadlay dhinacyada shuruucda, siyaasadaha, iyo heshiisyada ganacsi ee caalamiga ah, horumarinta Wanacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba dhiirigelinta Maalgashiga dalka.