Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo qeyb ka ahaa weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheekh Mohamoud ee dalka Itoobiya, ayaa wuxu kulan doceed la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalkaasi Mudane Axmed Shide, dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhex-galka Gobalka Mr. Gebremeskel Chala iyo Wasiiru-dawlaha Ganacsiga ee dalka Itoobiya Mr. Mekonnen Habtewold, waxaana ay ka wada-hadleen iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal.
Labada dhinac, ayaa waxay ku dheeraadeen muhiimadda xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal, fududeynta iyo yareynta caqabadaha ganacsiga iskaga gudba xuduudaha oo ganacsatada Soomaalidu dhib kala kulmi jirtay inay wax u dhoofiyaan gudaha dalka Itoobiya, wax-is-dhaafsiga badeecadaha kala duwan ee labada dal sida Kaluunka iyo Kofeega iyo weli ba sidoo kale dhammeystirka heshiis ganacsi oo rasmi ah oo mustaqbalka dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.
=DHAMMAAD=


