Wasiiru-dawlaha oo Xafiiska Ku Qaabilay Ganacsato Turki ah oo Wadanka u Yimi Maalgashi

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Ganacsato kala duwan oo ka socotay wadanka aynnu walaalaha nahay Turkey kuwaas oo u yimi siddii ay dalka uga samayn lahaayeen Maalgashi iyo Ganacsiyo kala duwan. Waxaana uu Wasiirku halkaas kula wadaagay fursadaha Ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee ka jira dalka isaga oo carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan cid kasta oo danaynaysa inay ganacsi iyo maalgashi ba ka samayso Soomaaliya.
Kulanka oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus, ayaa waxay ugu horreyn ka mahad-celiyeen siddii qiimaha badnayd ee looggu soo dhaweeyey wadanka iyaga oo soo bandhigay qeybaha kala duwan ee ganacsiyada ay danaynayaan kuwaas oo muhiim u ah dhinacyada kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ee dalka iyo weli ba sidoo kale xiriirka ganacsi ee labada dal.
Wasiiru-dawlaha oo isagu na dhankiisa halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn wuxu ganacsatada guddoonsiiyey buug ka hadlaaya fursadaha Maalgashi iyo kuwa Ganacsi ee ka jira dalka, waxaana uu sheegay in haddii wakhtiyaddii hore ay jiri jirtay in Soomaaliya ay taageero keliya waydiisato walaalahooda Turkey ay maanta ka dawlad ahaan iyo shacab ahaan ba diyaar u yihiin siddii ay xiriiro ganacsi u wada yeelan lahaayeen isaga oo carabka ku dhuftay in sidoo kale na dhawaan la dhammeystiri doono heshiiska iskaashiga ee ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhaxeeya dawladaha Turkey iyo Soomaaliya.
Labada dhinac, waxay sidoo kale isku raaceen in la sameeyo bandhig ganacsiyeedyo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkey kuwaas oo labada wadan ba ay ku soo bandhigayaan wax-soo-saarkooda iyo fursadahooda ganacsi sidoo kale na ay u noqoto madal isku xir oo ay ku kulmaan ganacsatada kala duwan ee labada dal kuwaas oo halkaas isku dhaafsan kara wixii waayo aragnimo iyo khibrad wadaag ah , xogaha ganacsiga iyo weli ba sidoo kale fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira labada dhinac.
=DHAMMAAD=
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Khadar Abdi Hassan
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: Media@moci.gov.so
Facebook/Twitter: @mocisom
May be an image of 1 person, sitting and suitMay be an image of 9 people, people sitting and people standingMay be an image of 2 people, people standing, suit and indoorMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 4 people, people standing, people sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting, eyeglasses and indoorMay be an image of 2 people, people standing, people sitting and indoorMay be an image of 1 person, beard, sitting, wrist watch and indoorMay be an image of 2 people, people sitting and indoor
Previous Agaasimaha Guud oo Booqday Mac-hadka SIMAD iLAB

Leave Your Comment