Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Mohamed Saney Dalmar , ayaa maanta booqday Mac-hadka SIMAD iLAB ka dib martiqaad uu ka helay guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD University Dahir Hassan Arab , waxaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac iyo siddii la iskaga kaashan lahaa horumarinta Ganacsiga Soomaaliya.
Agaasimaha Guud oo uu wehelinaayey Agaasimaha Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Md. Abdirizak Hassan Yousuf, ayaa waxa sidoo kale halkaas warbixin ku siiyey Agaasimaha Mac-hadka SIMAD iLAB Mudane Maxamed Muuse oo ka xog-waramay tobabarada ay siiyaan ganacsiyada bilowga ah iyo ardayda ka qalin jabisa Jaamacadaha si kor looggu qaado xirfaddooda shaqo si ay ganacsiyo ugu abuurtaan.
Waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyey mashaariic dhowr ah oo ay Wasaaraddu kor joogtayn ku samaynaysay kuwaas oo lagu horumarinayey sidoo kale na lagu kobcinayey hal abuurka ganacsiyada yar yar oo ay taageerayeen dawlada Jaban, hay’adda UNIDO iyo SOS, waxaana uu sheegay in guud ahaan guulo laga gaaray mashaariicdii ay fuliyeen isla-mar-ahaantaana ay qeyb laxaad leh ka qaateen shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha ee dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Maxamed Saney Dalmar oo dhinaciisa halkaas ka hadlay, ayaa boggaadiyey shaqada ay qabteen isaga oo xusay inay xoojinayso qorshaha dawladda cusub iyo Hindisahii Madaxweynaha dalka ee Shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay inay mar walba diyaar u yihiin dhiiri-gelinta tallaabo kasta oo shaqo abuur looggu samaynaayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
=DHAMMAAD=
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Khadar Abdi Hassan
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: Media@moci.gov.so
Facebook/Twitter: @mocisom
Website: https://moci.gov.so/so/












