Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ahna Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Abdisalam Sharif Hussein oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Saney Dalmar , ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Ururka Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed ee SWIB.
Wasiirka, ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiyaha Ururka Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed Maamo Hersio Siad oo ka warantay xaaladda Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed, caqabadaha jira iyo weli ba doorkooda ganacsiga, shaqo abuurka iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Abdisalam Sharif Hussein, ayaa boggaadiyey guud ahaan haweenka ganacsatada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay laf dhabar u yihiin dhaqaalaha wadanka maadaama haweenka Soomaaliyeed ay yihiin cidda ugu badan ganacsiyada yar yar ee ka jira dalka. Waxaana uu tilmaamay in guud ahaan ay ka go’an tahay horumarinta ganacsiga dalka gaar ahaan ganacsiyada ay lee yihiin haweenka Soomaaliyeed sidoo kale na ay wax ka qaban doonaan caqabadaha jira ee haysta Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed.
=DHAMMAAD=
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Khadar Abdi Hassan
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: Media@moci.gov.so
Facebook/Twitter: @mocisom
Website: https://moci.gov.so/so/












