Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Mohamed Saney Dalmar iyo weftigii ballaarnaa ee uu hoggaaminaayey ee ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxay maanta si rasmi ah u soo gebo-gabeeyeen shirarkii afar maalmood oo xiriir ah uga socday halkaas, waxaana kulankii ugu dambeeyey ee maanta loogga hadlay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka oo ay Soomaaliya ka samaysay horumar aad u ballaaran.
Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda UNECA oo barnaamijyo kala duwan ka taageeraysa Wasaaradda, ayaa waxa kale oo halkaas loogga hadlay dhammeystirka siyaasadda Wax-wada-lahaanshiyaha Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah(PPP) iyo weli ba sidoo kale Istaraatijiyadda Soomaaliya ee Aaga Ganacsiga Xorta ee Qaaradda Afrika(AfCFTA) kaas oo ahmiyad weyn u leh guud ahaan horumarka ganacsiga Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Saney oo ugu dambayn halkaas hadal ka jeediyey, ayaa hay’adda UNECA uga mahad-celiyey qaban qaabada shirarkan iyo weli ba sidoo kale taageeradooda horumarinta Ganacsiga Soomaaliya, waxaana uu carabka ku adkeeyey inuu diyaar u yahay xoojinta xiriirka labada dhinac isla-mar-ahaantaana uu si dhow u la shaqeyn doono si guul loogga gaaro barnaamijyada muhiimka ah ee ay inaga taageerayaan.
=DHAMMAAD=
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Khadar Abdi Hassan
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: Media@moci.gov.so
Facebook/Twitter: @mocisom
Website: https://moci.gov.so/so/








