Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Mohamed Saney Dalmar iyo weftigii uu hoggaaminaayey oo weli safar shaqo ku jooga magaalada Adis Ababa oo ay uga socdaan shirar muhiim ah, ayaa maanta mar kale furay shir wada tashi ah oo loogga hadlaayey Siyaasadda Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UNECA.
Kulanka dhexdiisa oo hay’adda UNECA ay ku soo bandhigtay siyaasaddan, ayaa qeybaha kala duwan ee ay khusaysaa waxay ka dhiibteen talooyin ku aadan siyaasaddan, waxaana hoosta laga xariiqay ahmiyadda siyaasaddani ay u lee dahay dalka.
Kulanka ayaa waxa goob joog ka ahaa madax ka socotay hay’adaha dawladda, Xildhibbaano, ganacsiyada gaarka ah iyo weli ba hay’adaha caalamiga ah ee ina taageera.
=DHAMMAAD=
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Khadar Abdi Hassan
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: Media@moci.gov.so
Facebook/Twitter: @mocisom
Website: https://moci.gov.so/so/








