Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Mohamed Saney Dalmar iyo weftigii uu hoggaaminaayey oo booqasho ku tagay xarunta hay’adda UNECA ee Adis Ababa, ayaa halkaas kula kulmay ku simaha Agaasimaha fulinta ee hay’adda Mr. Antonio Pedro oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac, barnaamijyada socda iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee ay inaga taageerayaan.
Weftiga Agaasimaha Guud, ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Mohamed Abdi Hayir(Maareeye) oo sidoo kale na ah Xildhibbaan ka tirsan guddiga Ganacsiga, Warshadaha, Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka, ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda is-dhex-galka ganacsi iyo dhaqaale ee gobalka, qaaradda Afrika iyo kuwa caalamka inta ba, waxaana Agaasimaha iyo weftigiisu ba ay muujiyeen inay ka go’an tahay siddii ay Soomaaliya uga faa’idaysan lahayd fursadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee suuqyada ganacsi ee qaaradda Afrika iyo kuwa caalamka inta ba.
=DHAMMAAD=
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Khadar Abdi Hassan
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: Media@moci.gov.so
Facebook/Twitter: @mocisom
Website: https://moci.gov.so/so/





