Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon Osman Mohamed Abdi (Daallo), ayaa xalay ka qeyb galay Xafladda Shaacinta Guuleysteyaasha Abaalmarinta Ganacsiyada Soomaaliyeed ee 2022 oo lagu qabtay Muqdisho.
Wasiirka oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa u hambalyeeyey dhammaan ba guulaysteyaashii, waxaana uu ku amaanay ganacsiyada wanaagsan ee ay ka samaynayaan dalka isaga oo carabkanku dhuftay inay ka Wasaarad ahaan ay ka shaqeynayaan horumarinta ganacsiga gaar ahaan shuruucdii iyo siyaasadihii lagu horumarin lahaa ganacsiga dalka.















