Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ay ka wada-hadleen siddii labada dhinac ba ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta iyo dhiiri-gelinta Maal-gashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo Istaraatjiyadaha lagu horumarinayo Maal-gashiga.
Kulanka Wasiirada oo ay ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Ahna guddoomiyaha Guddiga Maalgashiga Shisheeye Md. Abdiaziz Ibrahim Adan iyo Agaasimaha Waaxda Dhiiri-gelinta Maal-gashiga ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamed Dhuboow, ayaa waxay labada dhinac ba isla-garteen in labada Wasaaraddooda ba ay si wada-jir ah uga wada-shaqeeyaan Shir-weynaha Caalamiga ah ee Maal-gashiga Soomaaliya oo dhawaan ka qabsoomi doona Muqdisho kaas oo ahmiyad weyn u leh ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.
Wasiiradu, waxay hoosta ka xariiqeen in ay aad u ballaaran yihiin fursadaha ganacsi iyo maal-gashi ee ka jira gudaha Soomaaliya kuwaas oo u baahan in ka dawlad ahaan loo waajaho si wada-jir ah si maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo kuwa gudahu ba ay dalka uga sameeyaan Maal-gashiyo waaweyn oo abuura ganacsiyo hor leh, kobac dhaqaale iyo shaqo abuur inta ba, waxaana ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhiiri-gelinta Maal-gashiga dalka.
=DHAMMAAD=
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Khadar Abdi Hassan
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: Media@moci.gov.so
Facebook/Twitter: @mocisom
Website: https://moci.gov.so/so/



