Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo ay wehelinaayaan Wasiir ku xigenka Wasaaradda Xildhibaan Osman Mohamed Abdi (Daalo) iyo Agaasime Waaxeedyada, ayaa maanta booqday Xarunta Olalaha Gurmadka Musiibaddii dhacday 29kii October ee Qaraxii Soobe oo ku taala Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliyeed, waxaana uu halkaas gaadhsiiyey dhaqaale ay Wasaaraddu kaga qeyb-qaadanaysay gurmadka loo fidinaayey dadkii dhibbaatada iyo waxyeeladu ka soo gaadhay Qaraxaas.
Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka, ayaa sidoo kale, waxay kulan duco iyo qur’aan akhris ah xarunta Wasaaradda ugu sameeyeen dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxaas iyaga oo sidoo kale na dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay ugu duceeyey in Eebe u boogo dhayo oo uu siiyo caafimaad deg-deg ah.
Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji, oo intaa ka dib Warbaahinta la hadlay, ayaa cambaareeyey qaraxii la la eegtay dadkii shacabka ahaa ee aan waxba galabsan, waxaana uu cod dheer ugu baaqay ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ba ay joojiyaan lacagaha iyo dhaqaalaha ay siinayaan Kooxdaas Argagaxida ah ee gumaadaysa shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirku, wuxu ugu dambayn, boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee sida qiimaha badan uga qeyb-qaadatay gurmadka dhibbaatada dhacday, waxaana uu u soo jeediyey cid kasta oo Soomaali ah inay soo garab istaagaan oo ay gurmad u soo fidiyaan dadka dhibbaatada iyo waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxii 29kii October ka dhacay Soobe.
Wixii Faah-faahin ah kala xidhiidh
Khadar Abdi Hassan(Khadar Gureyte)
Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Email: media@moci.gov.so




















