Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Osman Mohamed Abdi(Daalo), ayaa galabta soo xiray shirweynaha koowaad ee Tayo-dhowrka Soomaaliya oo maanta si habsami ah looggu soo gebo-gabeeyey magaalada Muqdisho kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa waxa iskugu yimi hay’adaha dawladda ee ay khusayso ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goballeed iyo Ganacsiyada gaarka ah, kuwaas oo halkaas ku wadaagay doodo iyo warbixinno la xiriira sida ugu habboon ee dalka loogga hir-gelin karo halbeegyo midaysan oo muhiim u ah ganacsiga iyo weli ba sidoo kale badbaada caafimaad ee noolaha iyo bii’ada.
Wasiir Daalo oo ugu dambayn halkaas hadal ka jeediyey, ayaa hay’adda Tayo-dhowrka oo soo qaban-qaabilsan shirkan ku boggaadiyey dedaalka ay samaysay, waxaana uu ku dheeraaday ahmiyadda hay’addani u lee dahay ganacsiga dalka iyo ilaalinta tayo-dhowrka waxyaabaha dhoofaya iyo waxyaabaha dalka la soo geliyo inta ba. Isaga oo carabka ku dhuftay inay ka Wasaarad ahaan ay balan-qaadayaan siddii hay’adda ay garab ugu siin lahaayeen wixii siyaasado iyo shuruuc ah ee u fududeynaaya hawlaheeda shaqo.















