Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane Dr. Peter Mathuki oo booqasho rasmi ah ku yimi dalka oo ay ka wada-hadleen dar-dar-gelinta qorshaha ka mid noqoshada Dalladda ee Soomaaliya.
Madaxweynahu, wuxu muujiyey siday uga go’an tahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan, waxaana uu faray in muddo 12 bilood ah oo soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.
Kulanka, ayaa Madaxweynaha ay ku wehelinayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, waxaana Madaxweynaha oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya uu soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.
=DHAMMAAD=
=END=
Wixii Faah-faahin ah kala xidhiidh
Khadar Abdi Hassan(Khadar Gureyte)
Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Email: media@moci.gov.so












