Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay garab taagan yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Osman Mohamed Abdi (Daalo), Agaasimaha guud Mudane Abdiaziz Ibrahim Adan iyo Wasiirada ay khusayso, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shir-weynaha 1AAD ee Tayo-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya kaas oo hore uu ugu dhawaaqay Wasiirku.
Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah, ayaa sidoo kale, waxa ka soo qeyb-galay Wasiirada Ganacsiga iho Warshadaha ee dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka ee Soomaaliya kaas oo loogga hadli doono siddii dhidibada looggu taagi lahaa doorka dawladda ee Tayo-dhowrka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muhiimadda uu u lee yahay kobaca dhaqaalaha ee dalka.
Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, ayaa hoos timaada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxaana muddadii ay jirtay ay ku tallaabsatay guulo waaweyn iyada oo la meel mariyey qaar ka mid siyaasadihii jaan-goynta tayo-dhowrka Soomaaliyeed iyo weli ba ka mid noqoshada ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya dhinaca Tayo-dhowrka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji oo halkaas hadal ka jeediyey, wuxu cod dheer ku sheegay inay ka Wasaarad ahaan ka go’an tahay siddii hay’addan loogga hir-gelin lahaa guud ahaan dalka si wax loo ilaaliyo caafimaadka noolaha iyo bii’adda.

























=END=
For more information, please contact:
Khadar Abdi Hassan
Media and Communciations Advisor
Office of the Communications and Media
Ministry of Commerce and Industry
Federal Republic of Somalia