Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji, ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey Maareeyahii hore ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Aadan Cadde iyo Maareeyaha cusub ee Hay’addaas Mudane Cali Yaasiin Gurbe iyo weli ba sidoo kale Maareeye ku xigeenkii hore ee hay’addaas Mudane Caydaruus Macalin iyo Maareeye ku xigeenka cusub ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Ahmed Hassan
Wasiirka, ayaa mas’uuliyiintii hore uga mahadceliyey muddadii ay soo wada shaqeeyeen isaga oo sidoo kale na soo dhaweeyey mas’uuliyiinta cusub oo uu u rajeeyey in Alle ku guuleeyo xilka loo soo magacaabay. Isaga oo sidoo kale na faahfaahin ka bixiyey muhiimadda hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan ka go’an tahay sidii loogga hir-gelin lahaa guud ahaan dalka.
=DHAMMAAD=
=END=






















