Wasiirka Ganacsiga oo La Kulmay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Qaar Ka Mid ah Ganacsatada Dalka

Wasiirka Waaaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Abdisalam Sharif Hussein, Wasiir ku xigeenka Hon Osman Mohamed Abdi iyo Agaasimaha guud Md. Abdiaziz Ibrahim Adan, ayaa kulan ay maanta la qaateen Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Md. Maxamed Cabdi Cali (Gabayre), waxay iska xog-waraysteen xaaladda ganacsi ee dalka, dedaalada socda, caqabadaha jira iyo weli ba xoojinta wada-shaqeynta.
Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wax-soo-saarka dalka si Soomaaliya ay dheeli-tir ganacsi u la yeelato dalalka ay wax ka soo dhoofsato, mudnaanta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, fududeynta ganacsiga iyo weli ba siddoo kale xalinta caqabadaha jira ee haysta ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji oo la hadlayey Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada kale ba, ayaa ugu horreyn Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku lee yihiin horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay kaalin weyn ka soo qaateen badbaadinta qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirku, wuxu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo uu tilmaamay inay muhiimad gaar ah siin doonaan dhinacyada shuruucda iyo siyaasadaha bud-dhiga u ah horumarka dhaqaale iyo midka ganacsi ee dalka. Sidoo kale, wuxu xusay inay ganacsatada Soomaaliyeed kala shaqeyn doonaan siddii wax loogga qaban lahaa caqabadaha jira iyo weli ba siddii looggu fududeyn lahaa suuqyada ganacsi ee caalamka.
Ugu dambayn, Wasiir Jibriil, wuxu xusay inay si gaar ah u dhiiri-gelinayaan maal-gashiga ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka isla-mar-ahaantaana ay ka Wasaarad ahaan ka shaqeyn doonaan shuruucdii iyo siyaasadihii fududeyn lahaa wax-wada lahaanshiyaha dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah si horumar loogga gaadho maal-gashiga qeybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha gaar ahaan Warshadaha dalka taas oo abuurti doonta shaqo abuur aad u badan.
=DHAMMAAD=
END
Wixii Faah-faahin ah kala xidhiidh 
Khadar Abdi Hassan(Khadar Gureyte)
Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha 
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Email: media@moci.gov.so
May be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 11 people, people sitting and people standingMay be an image of 1 person, beard, sitting and indoorMay be an image of 1 person and sittingMay be an image of 1 person and sittingMay be an image of 1 person, standing, sitting and indoorMay be an image of 2 people, people sitting and indoorMay be an image of 1 person, beard, sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 3 people, people sitting and indoorMay be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 6 people, people sitting and people standingMay be an image of 1 person, sitting and suitMay be an image of 2 people, people sitting and indoorMay be an image of 14 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 1 person, suit and indoorMay be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 1 person and sittingMay be an image of 1 person and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 3 people, people sitting and indoorMay be an image of 1 person and sittingMay be an image of 2 people, people sitting and indoorMay be an image of 4 people, people sitting and indoorMay be an image of 2 people, people sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 11 people, people sitting and people standing

Leave Your Comment