Tendor|

 

Shir socday muddo laba maalmood ah oo ku saabsanaa xoojinta Iskaashiga iyo wada-shaqeynta ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha heer Federaal iyo heer dawlad goballeed, ayaa maanta lagu soo gebo-gabeeyey Muqdisho kaas oo loogga hadlay dhinacyada horumarinta Ganacsiga, Warshadaha iyo dhiiri-gelinta Maal-gashiga iyo weli ba siddii loo midayn lahaa ganacsiga dalka gaar ahaan dhinacyada laysamada shirkadaha, fududeynta ganacsiga, mashaariicda iyo weli ba sidoo kale siddii dawlad goballeedyada loo gaadhsiin lahaa shuruucda iyo siyaasadaha kala duwan ee lagu guulaystay samayntooda.

Shirka oo uu guddoomiyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Ganacsiga dawlad goballeedyada dalka, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay Madaxa Hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia iyo weli ba safiir ku xigeenka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Massimiliano Bertollo kuwaas oo Wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariic lagu horumarinayo Ganacsiga dalka.
Agaasimaha guud ee WG&W XFS Mudane Cabdicasis Ibraahim Aadan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qabsoomidda maalinta labaad ee shirka isla-mar-ahaantaana la isku fahmay dhammaan ba waxyaabahii laga wada hadlaayey kuwaas oo muhiim u ah dhinacyada iskaashiga iyo wada-shaqeynta Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dawlad goballeed.
Safiir ku xigeenka Talyaaniga ee Soomaaliya Amb.Massimiliano Bertollo iyo Madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr.Ygor Scarcia oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn boggaadiyey shirkan u qabsoomay Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha heer Federaal iyo heer dawlad goballeed ee Soomaaliya, waxaana uu faah-faahin ka bixiyey mashaariicda kala duwan ee ay kala shaqeeyaan Wasaaradaha isaga oo sidoo kale na carabka ku dhuftay inay ka hay’ad ahaan ay iyagu na diyaar u yihiin inay Wasaaradaha kala shaqeeyaan horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wasiirada iyo agaasimeyaasha dawlad goballeedyada Jubaland, Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur-galbeed oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba si isku mid ah u boggaadiyey shirkan, waxaana ay sheegeen in shirkan u si gaar ah fursad ugu yahay dawlad-gaballeedyada dalka sidoo kale na uu xoojinaayo isku xidhkii iyo wada-shaqeyntii Wasaaradda Ganacsiga ee heer Federaal.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo isagu na ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa dhammaan ba mas’uuliyiintii shirka ka soo qeyb-galay uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galkooda, waxaana uu tilmaamay in ujeedka shirkan laga lahaa uu ahaa siddii la isku xaal waraysan lahaa isla-mar-ahaantaana ay isku la jaan-qaadi lahaayeen Wasaaradaha Ganacsiga dalka si loo horumariyo ganacsiga Soomaaliya. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in kulankan ay uga faa’idaysanayaan siddii ay labada dhinac ba uga sheekaysan lahaayeen shaqooyinka socda, qorsheyaasha soo socda iyo caqabadaha jira inta ba si iyada oo la wada jiro loo waajaho.
Shirkan, ayaa noqon doona mid joogto ah oo sanad walba la qabto isla-mar-ahaantaana lagu lafo guro arrimaha la xidhiidha Ganacsiga, Warshadaha iyo dhiiri-gelinta Maal-gashiga Soomaaliya.
=DHAMMAAD=

2 Replies to “Xoojinta Iskaashiga iyo wada-shaqeynta ee Wasaaradaha Ganacsiga heer Federaal iyo …”

  1. ssdfsdf says:

    This is test comment…

  2. تخضع تجهيزات مصنع إيليت بايب Elite Pipeلعمليات مراقبة جودة صارمة للتأكد من أنها تلبي متطلبات الأداء والمتانة الأكثر صرامة.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window