Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay Shir Madaxeedka suuq ganacsiyeedka Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo Madaxweynahu ku soo bandhigay fursadaha dhinaca Maal-gashiga ee ka jira Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Gobolka ay aas-aas u tahay qorsheyaasha heer Qaaradeed ee kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulankan kagala qeyb-galay hab fogaan arag ah Madaxda dalalka ku mideysan dallada dhaqaalaha ee COMESA, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Hay’adaha Maaliyadda ee heer Qaaradeed iyo Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee dalladda dalalka ku mideysan COMESA.