Tendor|

Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Shirkadda gacanta ku haysa Habka Onlaynka ah …
Wasiirka WG&W XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Shirkadda gacanta ku haysa Habka Onlaynka ah ee diiwaan-gelinta iyo bixinta shatiyada shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya, waxaana ay halkaas ku soo bandhigeen warbixin la xidhiidha safar ay dhawaan ku tageen maamul goballeedyada dalka oo ay ku soo ogaanayeen baahida ka jirta goballada dalka ee khusaysa siddii maamul goballeedyada dalku ay u heli lahaayeen adeega casriga ah ee Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta Shirkadaha si xogta diiwaan-gelinta Ganacsiyadu ay u noqoto mid daah-furan oo isku xidhan guud ahaan dalka.
Kulanka oo sidoo kale uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee WG&W XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa wuxu Wasiirku uu mas’uuliyiinta ku amaanay shaqada hufan ee ay ka soo qabteen maamul goboleedyada dalka, sidoo kale waxa uu ku booriyey in shaqadu noqoto mid socota isla markaana la dar-dargeliyo si ay isugu xidhmaan dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka si bulshada loogu adeego sida ugu sarreysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close Search Window