
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kaashanaysa hay’adda UNIDO iyo Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa maanta si wada-jir ah waxay xarunta Wasaarada ugu soo bandhigeen maal-gashi ay Ganacsato Soomaaliyeed ku samaysay Caga-gafyo kala duwan oo looggu talo-galay kor-u-qaadista wax-soo-saarka beeraha dalka oo laga maal-geliyey mashruuca EDU’s ee ay gacanta ku hayso hay’adda UNIDO oo iyada oo loo marinaayo IBS Bank ganacsatada lagu siiyo lacago deyn ah oo ay maal-gashi ku samaystaan.
Munaasibad kooban oo loo qabtay soo bandhigidda Cago-cagafyadan, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Safiir ku xigeenka Talyaaniga ee Soomaaliya, Madaxa hay’adda UNIDO, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale.
Maal-gashigan, ayaa hindisahiisu ka dhashay shirkii Madasha Iskaashiga Ganacsiga ee Talyaaniga iyo Soomaaliya oo sanadkii 2019kii ka qabsoomay dalka, iyada oo xiligaas ka dib wada xaajoodyo u bilaabmay ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga ah oo taageero farsamo ka helaaya hay’adda UNIDO ay ugu dambeyn shirkadda Gaalooge ku guulaysatay inay Lix Cago-cagaf oo kuwa beeraha lagu fasho ah ay ka soo iibsato shirkadda weyn ee caanka ah ee CNH ee laga lee yahay dalka Talyaaniga.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah u boggaadiyey guushan weyn ee la gaadhay oo ay sheegeen inay tahay mid horumar weyn u horseedaysa dhinaca wax-soo-saarka beeraha, ganacsiga, shaqo abuurka iyo guud ahaan Maal-gashiga dalka. Sidoo kale, waxay tilmaameen inay ku faraxsan yihiin in maanta ay midho dhaleen dedaaladdii ay mudada dheer soo waday Wasaaraddu ee khuseeyey dhinaca iskaashiga ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga.