Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA OO COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYEY SHARCIGA SHIRKADAHA DALKA.

26 Dec

XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA OO COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYEY SHARCIGA SHIRKADAHA DALKA.

XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA OO COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYEY SHARCIGA SHIRKADAHA DALKA.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa u codeeyay sharciga shirkadaha oo goluhu horey u ansixiyay islamarkaana uu dib usoo celiyay golaha Aqalka Sare, sharciga waxaa ogolaaday 156-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanada kulanka joogay ansixinta kadib.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Golaha Shacabka uga mahad celiyay ansixinta sharciga shirkadaha dalka oo muhiim u ah hagidda shirkadaha ka howlgalaya dalka, sidoo kale wasiirku waxuu amaan & bogaadin u jeediyay Gudigga ganacsiga, warshadaha & hormarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka iyo masuuliyiinta Wasarada Ganacsiga ee sharcigaan gacanta ku hayay.

Sharcigaan ansixintiisu waxay muhiim u tahay horumarinta & hagidda shuruucda shirkadaha Dalka, Maadaama dalka uu hiigsanayo geedi socod dhaqan dhaqaale oo dib loogu yagleelayo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale Shacigaan ansixintiisu waxay kusoo aaday waqti Wadanku uu ku suganyahay marxalad iyo rajo soo kabasho dhinac walba leh oo la rajeeynayo in deeymihii dalka lagu lahaa la cafiyo horaanta sandka 2020, sidaa darteed sharcigaan wuxuu dhabaha u xaaridoonaa ganacsi iyo maalgashi uu dalka yeesho. 9