Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Wasiirka, Wasiiru-dawlaha iyo Agaasimaha Guud ee Ganacsiga oo Shaqaalaha Wasaaradda Kala Qeyb-galay Barnaamijka Is-xilqaan+SAWIRO

13 Jan

Wasiirka, Wasiiru-dawlaha iyo Agaasimaha Guud ee Ganacsiga oo Shaqaalaha Wasaaradda Kala Qeyb-galay Barnaamijka Is-xilqaan+SAWIRO

1-January-2019- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaasi Md. Daahir Cabdi Cabdullaahi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Madaxda Wasaaradda iyo Shaqaalaha weynaha kala duwan ee Wasaaraddaasi, ayaa maanta si weyn uga qeyb-qaatay wejiga labaad ee barnaamijka Is-xilqaan lagu dhisaayo Tiyeetarka Qaranka Soomaaliya.
Wejiga labaad ee barnaamijka Is-xilqaan oo maraaya meel aad u wanaagsan oo gebo-gebo ah, ayaa ay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadahu ba ay si muuqata uga qeyb-qaateen waajibaadkii shaqo ee loogga baahnaa, waxaana Madaxda Wasaaradda lagu fadhiisiyey kuraastii ugu horreysay ee la dhigo Tiyeetarka Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Inj.Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in ay ka Wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin inay ka qeyb-qaataan barnaamijka Is-xilqaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu muhiimad weyn u lee yahay qaranka Soomaaliya.
“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ay ka qeyb-qaadanayso barnaamijka Is-xilqaan oo aanu joogno xarunta Tiyeetarka Qaranka oo ah goobaha lagu dhisaayo barnaamijka Is-xilqaan oo hore uu hindisaheeda u lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaarahu na uu ku hawl-geliyey shaqaalaha Rayidka ah ee dalka inay barnaamijkaas qeyb libaax leh ka qaataan oo dalkooda ay gacmahooda ku dhistaan”. Ayuu yidhi Inj.Cabdullaahi Cali Xasan
Inj.Cabdullaahi Cali Xasan oo sidoo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Runtii muddadii uu socday barnaamijka Is-xilqaan waxa laga gaadhay guulo fara badan, waxaa dhammaaday wejigiisii koowaad, imika na waxa lagu jiraa wejigiisii labaad oo uu ka mid yahay xarunta aanu maanta joogno ee Tiyeetarka, Madxafka iyo Maktabadda Qaranka oo runtii saddexdaas ba dhawaan ayaa la gebo-gabeyn doonaa oo hawl aad u weyn baa laga qabtay”.
Wasiirka Ganacsigu, waxa sidoo kale uu ka hadlay muhiimadda uu Qaranka u lee yahay Banraamijka Is-xilqaan isaga oo carabka ku dhuftay in shaqada barnaamijka Is-xilqaan ay muujinayso in gacmaheena aynnu ku dhisan karno dalka.
“Barnaamijkani wuxu ka turjumayaa in inagu aynnu gacmaheena ku dhisanno anaga oo isticmaalaynna xoogeena, muruqeena iyo maskaxdeena ba, waxaana ay ku tusaysaa in gacmaheena aynnu wax ku dhisan karno oo hore ayaa loo yidhi biyo sacabadaada ayaa lag aga dhargaa, waa barnaamij runtii faa’idadiisa hore loo dhadhamiyey, wejigii koowaad hore ayaa uu u dhammaaday, imika na wejigii labaad ayaa la marayaa, qof kasta oo Soomaali ahina waa uu garan karaa ahmiyadda uu barnaamijkani lee yahay, hore na waxa barnaamijkan oo kale wax looggu dhisay barnaamijkii Iskaa wax-u-qabto oo dugsiyo badan oo waxbarasho iyo goobo badan oo dawladdu lee dahay ba hore looggu soo dhisay, kanna waa mid aynnu ku dhisaynno goobahii burburku ku dhacay oo wixii farsamo ah mooyee wixii kale aynnu xoogeena isticmaalno”. Ayuu yidhi Inj.Cabdullaahi Cali Xasan
Inj.Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ugu dambeyntii sheegay in barnaamijkani yididiilo weyn uu gelinaayo shacabka Soomaaliyeed isla mar ahaantaana mustaqbalka dambe uu u gudbi doono siddii shacabku ay goobaha dadweynaha ay ugu dhisan lahaayeen Is-xilqaan.
“Waa barnaamij yididiilo leh oo aanu rajeynaynno inuu hadhow mustaqbalka uu u gudbi doono shacabka, hadda waa uun shaqaalaha rayidka ah oo iyaga na tiradoodu waa kooban tahay oo dhowr kun ayuu marayaa, laakiin barnaamijku tusaale ayuu ahaa oo marka shacabka Soomaaliyeed ay dhadhamiyaan ahmiyadda uu lee yahay iyo mudnaanta uu lee yahay ayuu iyaga na u gudbi doonaa. Barnaamijkani waxa kale oo uu innoo baahiyey Malaayiin dollar oo ku bixi lahayd se lagu dhisay Is-xilqaan”. Ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj.Cabdullaahi Cali Xasan

Image may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people, outdoor and foodImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: one or more people, people standing and shoesImage may contain: one or more people, people sitting and people standing

Write a Reply or Comment