Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS HE. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga dhiirigelinta dhoofka iyo qaar kamida ah ganacsato kakala socotay qaybaha beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga.

24 Dec

kulanka waxaa xoogga lagu saaray sidii wax soo saarka dalka loo kobcin lahaa, suuq dibadda ahna loogu heli lahaa khayraadka Dalka.

Ganacsatada waxay uga mahad celiyeen wasiirka fududeeynta Dhoofinta dalaga dalka waxayna ka codsadeen in laga saacido sidii suuq cusub oo dibada ah loogu heli lahaa dalaga Beeraha, Xoolaha & kaluunka Dalka.

Wasiirku waxuu xusay ganacsatada inay door muhiim ah kuleeyihiin kor u qaadista kobaca dhaqaalaha, shaqa-abuurka dhalinyarada,  wax soosaarka dalaga beeraha, xoolaha iyo kaluunka, sidoo kale wasiirku waxuu balan qaaday in wasaaraddu si dhaw ula shaqey doonto guud ahaan ganacsatada soomaaliyeed, wasaaradduna hadda waddo sameynta shuruucda lagu hagi lahaa gancsiga & maalgashiga dalka.

Ugu dambeeyntii wasiirku waxuu ku booriyay ganacsatada inay  kobciyaan  maalgashiga & wax soosaarka dalka oo ay  sameeyaan warshado  ka shaqeeya  warshadeynta dalaga beeraha, xoolaha & kaluunka,  wasaarduna diyaar u tahay in ay u raadiso ganacsatada suuqyo cusub oo dibadda ah.

Gabagabdii kulanka ayaa waxaa kasoo baxay talooyin wax ku ool ah oo wax badan ka tari doona Ganacsiga & maalgashiga dalka.

Write a Reply or Comment