Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha X.F.S., H.E. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo manta furay carwada Ganacsi ee Somali Turkish Agricultural Exhibition (SOMTURK).

14 Dec

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha X.F.S., H.E. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo manta furay carwada Ganacsi ee Somali Turkish Agricultural Exhibition (SOMTURK).

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha X.F.S., H.E. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo manta furay carwada Ganacsi ee Somali Turkish Agricultural Exhibition (SOMTURK). taas oo lagu soo bandhigayay wax-soosaarka dallaga beeraha dalka gudihiisa ka soo baxa, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Ganacsato Soomaliyeed iyo Ganacsato Turki ah.

Wasiirka ayaa khudbadiisa ku sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay ka howlantahay sidii suuq loogu heli lahaa Wax-soosaarka dalka isla markaana dalka laga dhoofiyo badeecado badan oo ay kamid yihiin Muuska, liinta, xoolaha nool IWM.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Madasha ka sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay hanaanka qabashada carwooyinka ganacsi ee dalka gudihiisa ka dhacaya,  ayna soo celin doonto qabashada carwadii Qaranka horaanta sanadka 2020 ka, taas oo lagu soo bandhigi doono dhammaan qeybaha kala duwan ee Ganacsiga, ayna ka soo qeyb geli doonaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanib ah.

Ugu danbeeyntii Wasiirka ayaa u rajeeyay in carwadu ay noqoto mid miro dhal ah isla markaana ay ka wada faa’iideystaan dhammaan ganacsatada ka soo qeybgashay carwadaan.