Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo ka qayb galay shir waynaha bandhigga ganacsiga 88-aad oo ka dhacaya dalka Turkiga.

07 Sep

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo ka qayb galay shir waynaha bandhigga ganacsiga 88-aad oo ka dhacaya dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Eng.Cabdulaahi Cali Xassan oo kusugan magaalada Izmir ee dalka turkiga ayaa ka qayb galaya shirwaynaha bandhigga ganacsiga 88-aad.
 
Shirkaas oo uu Wasiirka Ku casuumay dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga turkiga.
 
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Eng.C/lahi Cali Xassan qudbadiisii wuxuu uga warbixiyay xaaladda soomaaliya dhanka ganacsiga iyo dadaalada ay sameesay DFS.
 
Sidoo kale Wasiirka waxa uu kulan laqaatay rugta Ganacsiga turkiga iyo ganacsatada waxayna kawada hadleen fursadaha maal gashi ee somaliya oo ay ganacsatada turkiga ka faa ii days an karaan.