Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Eng. Abdullahi Ali Hassan   kulan isxog-waraysi ah la qaatay Guddi-hawleedka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Golaha Shacabka.

29 Oct

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Eng. Abdullahi Ali Hassan   kulan isxog-waraysi ah la qaatay Guddi-hawleedka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Golaha Shacabka.

Kulankan oo ay Wasiirka ku weheliyaan Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Xildhibaan Dahir Abdi Abdullahi, Agaasimaha Guud iyo La-taliyeaasha Wasaaraddayo, ayaa ujeedaddiisu ahayd in guddiga iyo Wasaaraddu iska waraystaan hawlaha u yaalla Wasaaradda iyo waxa u qorsheysan.

Wasiirka Wasaaradda ayaa guddiga uga warramay waxa u qabsoomay Wasaaradda bilihii lasoo dhaafay kuwaas oo ay ugu waawaynaayeen shuruucda ay wasaaraddu horgeysey labada gole oo ay ka mid ka yihiin Hindise-Sharciyeedka Shirkadaha iyo Hindise-Sharciyeedka Tayo-dhawrka iyo Jaangoynta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey safarradii shaqo ee uu dhawaan ku tagay dalalka Turki, China, Masar iyo Itoobiya oo dhammaantoodba ujeedkoodu ahaa sidii Soomaaliya u heli lahayd suuqyo ay u dhoofiso waxsoosaarkeeda kala duwan iyo khayraadkeeda dabiiciga ah, isagoo wasiirku sheegay inay Wasaaradda ganacsigu u taagan tahay dhiirigelinta dhoofka waaxsoosaarka iyo sidii loo yareyn lahaa inaan wax soo dhoofsanno. Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay inaan isku dheelitirro waxa aan dhoofino iyo waxa aan soo dhoofsanno si aan u gaadhno isku-fillaansho.

Ugu dambeyntii Guddiga iyo Wasaaradda Ganacsiga ayaa isla qaatey in wada shaqeynta lasii xoojiyo isla markaana la iska kaashado sidii loo heli lahaa shuruuc hufan oo horsee inay Soomaaliya hesho jawi lagu maalgashan karo iyo furfurnaan dhaqaale.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaysaa Guddi-hawleedka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Golaha Shacabka.
Eng. Abdullahi Ali Hassan Mahdi M. Gulaid Villa Somalia Abdillahi Cadde Page Hassan Ali Khaire

Write a Reply or Comment