Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

WASIIRKA WASAARADA GANACSIGA & WARSHADAHA OO DAAH FURAY DOOD-CILMIYEEDKA QURBA JOOGTA SOOMAALIYEED – GLOBAL SOMALI DIASPORA.

16 Dec

WASIIRKA WASAARADA GANACSIGA & WARSHADAHA OO DAAH FURAY DOOD-CILMIYEEDKA QURBA JOOGTA SOOMAALIYEED – GLOBAL SOMALI DIASPORA.

 

WASIIRKA WASAARADDA GANACSIGA & WARSHADAHA OO DAAH FURAY DOOD-CILMIYEEDKA QURBA JOOGTA SOOMAALIYEED – GLOBAL SOMALI DIASPORA
 
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya HE. Eng. Cabdullahi Cali Xasan ayaa daah furay dood cilmiyeedka Qurba Joogta Soomaaliyeed – GLOBAL SOMALI DIASPORA oo ka furmay Muqdisho 16 diseembar 2019, kaasoo diirada lagu Saarayay “SIDII LOO WADAAGI LAHAA FURSADAHA AY HAYSTAN SOOMAALIDA LOONA XALIN LAHAA CAQABADAHA JIRA SI WADA JIR AH”.
 
Wasiirku waxuu u mahad celiyay Maamulka Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ee Soo agaasimay Dood-cilmiyeedka wuxuuna xusay kaalinta qurba joogta ku leeyihiin dib u dhiska Dalka, shaqa abuurka Dhallinyarada, currinta hal-abuuradda Ganacsiga iyo Kobcinta dhaqaalaha Dalka, waxuuna xusay in dhaqaalaha ay soo galiyaan dalka sanadkii uu ka badanyahay 2 bilyan oo doolar kaasoo ku laba-laabma mucaawinada Soomaliya ka hesho Dibadda.
 
Wasiirku waxuu xusay in wasaaradu dadaal dheer ugu jirto fududeeynta ganacsiga, maalgashiga iyo warshadeynta dalka. waxuuna balan qaaday in ay ka shaqay doonaan dejinta shuruucda iyo siyaasadda ganacsiga si loo fududeeyo adeegyada la xariira ganacsiga, maalgashiga iyo warshadeeynta.
 
Ugu dambeeyn Wasiirka ayaa Qurba Joogta ku booriyay:
 
1) In ay dalka dib ugu soo celiyaan waaya-aragnimada ay ka heleen wadamadda ay martida ku yihiin, una is-ticmaalaan dib u dhiska dalka, tayeeynta heybadda Dowladnimada iyo Hay’adaha gaarka ah ee ka jiro dalka.
 
2) In ay dhiirigiliyaan maalgashiga Dalka, gaar ahaan dhanka wax soo saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumaysiga.
 
3) In Qurba joogta ay noqdaan Safiiro isku xira Soomaaliya iyo wadamada ay martida ku yihiin.
 
4) Sidoo kale waxuu ku booriyay in Qurba joogta soo dhaweeystaan waxna ka bartaan odayaasha waaya araga ah iyo dhalinyarada dalka aan ka bixin ee fahamsan wadciga jiro.
 
Wasiirku waxuu aad usoo dhaweeyay dood cilmiyeedkaan muhiimka ah oo ay kasoo qayb galeen Ganacsato, Aqoonyahano iyo Siiyaasiyiin intaba, waxuuna u rajeeyay in dood cilmiyeedkaan uu kasoo bixi doono qodobo miro dhal ah oo waxtar u leh jiilka manta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.