Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Shir u dhaxeeyey Bangiga Aduunka “IFC” iyo Guddiga Maalgashiga Shisheeye oo ka dhacay Muqdisho.

30 Sep

Shir u dhaxeeyey Bangiga Aduunka “IFC” iyo Guddiga Maalgashiga Shisheeye oo ka dhacay Muqdisho.

Shir u dhaxeeyey Bangiga Aduunka “IFC” iyo Guddiga Maalgashiga Shisheeye oo ka dhacay Muqdisho, ayaa waxaa   soo Xiray Guddoomiyaha Guddiga ahna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdicasis Ibraahim Aadan. Shirkaan ayaa lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday daraasad qoto dheer oo lagu sameeyey sharciga Maalgashiga Soomaaliya iyo Xadeynta shaqo, awoodeed, waajibaad iyo qaabdhismeedka Guddiga Maalgashiga Shisheeye ee Qanka uu yeelan doono. Dhamaan Hay’adihii ka soo qeybgalay.shirkaan ayaa gaaray is-afgarad buuxa oo lagu mideysan yahay. Guddiga Maalgashiga Shisheeye ayaa mahadcin mug leh u soo jeediyay IFC kuna tirtirsiiyay inay sii joogteeyaan gacansiinta farsamo iyo la-talinta Guddiga. Shirkaan waxa uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo yididiilo leh.

Write a Reply or Comment